Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ayaa jimcihii shalay si cad u beeniyay in ay dagaalyahanadoodu joogaan isbitaalka Kamaal Adwan ee Waqooyiga Marinka Gaza.
Waxa ay ku nuuxnuuxsadeen, in gumeysiga Yahuudda ay horey u faafisay eedeymo la mid ah isbitaalladii ay ku burburisay marinka Gaza ee go’doonsan, baaritaanno caalami ahna ay ku caddeeyeen been abuurka sheegashadooda.
Xamaas waxa ay intaa ku dartay, in beenta ay ciidanka gumaysigu ka sheegaan cisbitaalka Kamaal Adwan ay uga gol leeyihiin in ay marmarsiyo uga dhigtaan dambigooda foosha xun.
Geesta kale, Xarakada Jihaadka Islaami ayaa sheegtay, in dambiga ay gumaysigu ka geysteen Isbitaalka Kamaal Adwaan uu yahay mid aad ufoolxun oo fulaynimo ah, waxayna sheegeen in dambigaas lagu biirinayo dambiyada isdaba jooga ah ee ay Sahaayinadu geysanayso, iyadoo taageero ka helaysa Maraykanka.
Jihaad Islaami ayaa carabka ku adkeeysay, in caalamka oo dhan looga baahan yahay in ay go’aan adag ka qaataan dambiyadaas.
Yahuudda waxay sheegtay, in isbitaalka Kamaal Adwan ay u aqoonsan tahay inuu yahay xarun ciidan oo ay ku sugan-yihiin dhaq-dhaqaaqa Xamaas ee Waqooyiga Marinka Gaza, isla markaana ay mintidiintu ka hawlgalayeen intii uu socday dagaalka, Ciidamada gumeystaha ayaana bilaabay in ay gubaan oo ay duqeeyaan xarumaha isbitaalka kaddib markii ay xasuuq ba’an ka geysteen agagaarkiisa, waxaana xasuuqaas ku shahiiday 50 ruux oo ay 5 kamida yihiin shaqaalaha caafimaadka.