Maamulka cusub ee dalka Suuriya ayaa xabsiga u taxaabay oo dilay tiro rag gacan saar la lahaa nidaamka madaxweynihii hore ee Bashaar Al-asad, waxaa ugu dambeeyay oo xabsiga loo taxaabay Mohammed Kanjo Al-Hassan, kaas oo mas’uul ka ahaa xukunno dil ah oo lagu fuliyay maxaabiistii ku xirnayd xabsiga Sednaya.
Saraakiishaan ayaa qaar la dilay, halka kuwa soo harayna ay ku jeebaysan-yihiin xabsiyada dalka Suuriya, iyagoo dil sugayaal ah, waxaana kamida:
Maxamed Kanjo Xasan
Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Wuxuu mas’uul ka ahaa dilalka maxaabistii ku xirnaa xabsiga Sednaya.
Waxaa lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada ammaanka ee Suuriya ka sameeyeen magaalada Tartous.
Shujaac Cali.
Waxa uu geystay dambiyo ka dhan ah aadanaha.
Waxa uu Xiriir adag la lahaa ururka Xisbullah ee Lubnaan.
Waxaa lagu dilay iska horimaadyo ka dhacay baadiyaha galbeed ee Hims.
Sareeye Gaas Cali Maxamuud.
Agaasimaha xafiiska Maher al-Assad, oo ahaa Bashaar walaalkii.
Waxa uu kaalin muuqata ka qaatay howlgallada ciidamada.
Meydkiisa ayaa laga helay gudaha xafiiskiisa oo ku yaalla baadiyaha Dimishiq.
Hayaan Mia
Wuxuu mas’uul ka ahaa weerarrada iyo xarigga lagula kacayay dadka rayidka ah inta lagu jiray xukunka Bashaar al-Assad.
Waxaa lagu eedeeyay inuu dambiyo waawayn ka galay dadka rayidka ah ee Suuriya.
Waxaa lagu xiray Latakia Jimcihii shalay.
Riyaad Xasan
Sarkaal qaabilsanaa ammaanka siyaasadda ee Dimishiq xilligii Asad, Ciidamada ammaanka ee dalka Suuriya ayaa gacanta kusoo dhigay, waxaana loo taxaabay xabsiga.