Duufaano Ku Dhuftay Qaybo Kamida Gobolada Dalka Maraykanka oo Sababay Khasaare Kala Duwan.

8
0

Hay’adaha ka shaqeeya lasocodka cimilada ee dalka Maraykanka ayaa sheegay, in ugu yaraan 10 duufaanno ah ay ku dhufteen gobollada Texas, Louisiana iyo Mississippi ee koonfur bari dalka Mareykanka shalay Sabtidii, taas oo keentay dhimashada hal qof oo kamida dad daganaa meel u dhow magaalada Houston, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 4 qof oo kale.

Sida ay sheegeen Hay’adahan la socda cimilida dalkaas, waxaa suuragal ah in maalmaha soo socda ay kordhaan tirooyinka duufaanadan ku dhuftay Maraykanka, waxaa sidaas sheegay  Aaron Gleason oo ka tirsan Xarunta Hay’adaha la socdka cimilida ee Maraykanka.

Duufaanadan ayaa sababay dabaylo xooggan oo wata roobab iyo daaddad kusoo rogmaday magalooyin badan, taas oo keentay in kumanaan duulimaadyo ah la hakiyo guud ahaan dalka Maraykanka.

Shabakadda dabagalka duulimaadyada ee Flight Aware ayaa ku warantay, in la hakiyay inka badan 700 oo duullimaad gudaha Mareykanka, kuwaas oo dib loo dhigay shalay Sabtidii, sababa la xiriira is badalka cimilada.

Galbeedka Maraykanka, todobaadkan waxaa ku dhuftay dabaylo xooggan oo wata roobab mahiigaan ah, kuwaas oo soconaya 150 mayl saacaddiiba,  Duufaanadan ayaa ku dhuftay gobolka California, halka Dabaylo kale oo cabirkoodu yahay 50 mayl saacaddiiba la filayo inay ku dhuftaan gobolka San Francisco, waa sida ay sheegeen Hay’adaha la socodka cimilada ee dalka Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here