Mudaaharaadyo ka Dhacay Magaalada London oo lagu Cambaareeyay Weerarkii lagu Qaaday Isbitaalka Kamaal Adwaan.

7
0

Shalay oo Sabti ahayd, caasimadda Ingiriiska ee London waxaa ka dhacay bannaanbax looga soo horjeedo gardarada Yahuudda ee ka dhanka ah Isbitaalka Kamaal Adwan ee Gaza, iyadoona dhibaato kula kacayso shaqaalaha caafimaadka iyo xarumaha kale ee caafimaadka ee ku yaalla marinka go’doonsan.

Dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah Sahaayinada, iyagoo dalbanayay in dowladda Britain ay kala laabato taageerada ay siiso Yahuudda, isla markaana ay joojiso iibinta hubka, ayna dhanka kale taageerto shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Gaza.

Ciidanka gumaystaha Yahuudda ayaa xoog ku galay cisbitaalka Kamaal Adwan Jimcihii lasoo dhaafay, kaddibna waxa ay dab qabadsiiyeen isbitaalka, taas oo keentay inuu isbitaalka gebi ahaanba uu ka joogsada adeeggii uu umadda u hayay, sida uu shaaciay xafiiska warbaahinta dowladda ee Marinka Gaza.

Ciidankii Sahaayinada kuma ekaanin in ay isbitaalka ka saaraan shaqadii oo kaliya, balse waxa ay xir-xireen dad ka badan 350 qof oo ku jiray gudaha isbitaalka, kuwaas oo isugu jiray 180 qof oo shaqaalaha caafimaad ah, 75 qof oo dhaawac ah, kuwo bukaan ah iyo dadkii la socday, waxaana la geeyey meel aan la garanayn.

Waa weerarkii sadexaad ee lagu qaado isbitaalka Kamaal Cadwaan intii lagu guda jiray duulaanka gardarada ah ee Gaza, balse gubashadan ayaa ah tii ugu horeysay, waana muuqaal dib kuu soo xasuusinaya xaruntii caafimaadka ee Al-Shifa oo ay gumaystaha Yahuudda gubeen Maarso 18, 2024-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here