Reer Galbeedka oo Sheegay In Xamaas ay Ku Guuleysatay dib u soo cesashada awoodeeda ay ku maarayso xaaladda Gazza

32
0

Wargeyska Yedioth Ahronoth oo soo xiganaya mas’uuliyiin reer galbeed ah ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ay ugu dambeyntii ku guulaysteen in ay dib u soo celiyaan inta badan awoodooda ay ku maareeyaan xaaladda deegaanada Marinka Gazza.

Wararka ayaa intaa ku daraya in goobaha ay Xamaas dib ula soo noqotay awoodeeda qaar ay ku yaalaan bartamaha marinka Gazza sida Al-Mawasi, Al-Nuseirat, iyo Deir Al-Balah.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in Xamaas ay si lama filaan ah u soo ceshatay qayb ka mid ah awooddeeda, isla markaana meesha ka saartay kooxo dambiilayaal ah oo kolonyada xaday, waxayna sheegtay inay weerartay tuugo mucaawino ku qabsaday askarta Yahuudda hortooda iyaga oo aan faragelin.

Wargeyska oo soo xiganaya isla ilo wareedyo ayaa sheegay in awoodda ururka Xamaas ee dib u habeynta ay dad badan ka yaabisay, iyagoo xusay in aysan fahmin sida xarakadu ugu guuleysatay in ay soo rogaan nidaamyo kala duwan oo ka tirsan Marinka.

Isla wargayska oo soo xiganaya ilo dhanka ammaanka ah iyo saraakiil ayaa sheegay in haddii aan la gelin faahfaahinta maalinta xigta ee Marinka Gaza ay Yahuudda ku soo celin doonto xaaladdii ka hor howlgalka daadadka ee Al-Aqsa, isaga oo ku macneeyay in Xamaas ay weli awood u leedahay in ay maamusho Marinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here