Qarax xooggan oo Shalay Arbacadii ka Dhacay Afaafka Hore ee Hoteelka Trump ee Magaalada Las Vegas Dalka Maraykanka.

11
0

Booliska Las Vegas ayaa sheegay, in gaari nooca Cybertruck ah oo ay samaysay shirkadda Elon Musk ee magaalada Las Vegas uu subaxnimadii Arbacada ku qarxay afaafka hore ee huteelka Trump ee isla magaaladaas, halkaas oo uu ku dhintay hal qof 7 kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Bilayska ee Las Vegas ninka lagu magacaabo Kevin Mcmahill ayaa yiri intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo uu ka qayb galay, “Waxaa jira hal qof oo u dhintay qaraxa gaarigaas, marka lagu daro 7 qof oo kale oo ayaguna qaba dhaawacyo fudud.”

Dhiniciisa, milkiilaha shirkada soo saartay gaarigan ninka lagu magacaabo Elon Musk  ayaa bartiisa “X” ku sheegay in shirkadiisu ay  baarayaan waxa sababay qaraxan, kaas oo ahaa qarax  aan horay loo arag.

Khubarada baabuurta ayaa sheegaya in dabka baabuurta korontada ku shaqeeya uu ka duwan yahay baabuurta ku shaqaysa matoorada wax guba, maadaama uu inta badan sii dheeraado oo ay adag tahay in la damiyo, taas ayaana keeni karta in gawaarida qaar ay sameeyaan qarax xoogan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here