Roobabka iyo dabaylaha xooggan oo wata daaddad ayaa ku dhuftay Marinka Qaza ee go’adoonsan, dadka Falastiiniyiinta ah ee ku barakacay gudaha Marinka Qaza ayaa ku nool xaalado bini’aadantinimo oo aad u daran, taas oo ay ugu wacan tahay xasuuqa ay Yahuuddu ku hayso in ka badan 15 bilood.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada, ayaa lagu arkayay dadkii ku barakacay xasuuqa ka socda Marinka oo tendhooyinkii ay daganaayeen ka dhex qodanaya godad ay qabawga kaga gabadaan, halka qaar kalana ay awoodi waayeen inay godadkaas qotaan.
Qabawgan daran awgiis waxaa xerooyinka barakacayaasha ku dhintay tiro dad ah oo iskugu jira caruur iyo dad waawayn oo ay kamid yihiin dhakhaatiir iyo dad kale, dadkan ayaana haysan wax agab ah oo ay ka dugsadaan dhaxanta daran ee Jiilaalka sanadkan.
Sanadkii hore ayay ahayd, markii sidan oo kale ay dadka barakacayaasha ah wajaheen qabaw sidan u daran, inkastoo sanadkan uu noqonayo sanadkii ugu adkaa oo ay dadka barakacayaasha ah la kulmaan qabow sidaan u daran.