Biden: Waxaan Baaraynaa Xiriirka ka Dhexeeya Weerarkii New Orleans iyo Qaraxii Hoteelka Trump.

17
0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku baaqay in mas’uuliyiintiisu ay baaraan inuu jiro xiriir ka dhexeeya qaraxa gaariga shirkada Tesla, gaar ahaan afaafka hore ee hotel Trump ee magaalada Las Vegas iyo weerarkii ba’anaa ee isla shalay  lala beegsaday dad isugu soo baxay dabaaldegga sanadka cusub ee New York Orleans oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo Ameerikaan ah.

Biden ayaa yiri mar uu warbaahinta la hadlayay “waa inay Laamaha amnigu baaraan xiriirka ka dhaxeeya qaraxa ka dhacay magaalada Las Vegas iyo weerarkii gaari jiirsiinta ahaa ee shalay lala beegasaday dadkii u dabaaldagayay soo dhawaynta sanadka cusub”  isagoo sheegay inaysan jirin wax faahfaahin ah oo ilaayo hada la ogyahay oo ku saabsan sababta labadan hawlgal ka dambaysay.

Guddoomiyaha gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka, ninka lagu magacaabo Jeff Landry, ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay magaalada New Orleans, taas oo lagu xaqiijinayo sababta ka dambaysay weerarkii lagu hoobtay ee ay ku dhinteen  15-ka qof, laguna dhaawacay 35-ta kale.

Dhankeeda, FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in ninkii geystay weerarkii New Orleans, lagu magacaabi jiray Shamsu-diin  Jabbar, iyagoo intaas ku daray in uu weerarka u adeegsaday  gaari xamuul ah oo uu soo kiraystay, sidoo kale waxay sheegeen in ninkan gaarigiisa laga dhex helay Calanka Islaamka loogana shakisan yahay inuu Ururada Islaamiga ah ku lug lee yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here