Madax Katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya oo Muqdisho Soo Gaaray.

18
0

Wafdi ka socda dowladda Xabashida Itoobiya ayaa maanta soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, wafdiga oo kulamo la yeelanaya masuuliyiin katirsan dowladda Federaalka, ayaa kala hadlaya sidii ciidamada Itoobiya qeyb uga sii ahaan lahaayeen duullaanka gardarada ah ee ciidamada Shisheeyaha ku joogaan dalka Soomaaliya.

Wafdiga ka socda dowladda Xabashida ee soo gaaray magaalada Muqdisho  waxaa kamid ah wasiiro iyo taliyaal ciidan.

Xubnaha qeybta ka ah wafdiga waxaa kamid ah wasiiru dowlaha arimaha dibadda Itoobiya, wasiiradda Gaashandhiga, saraakiil katirsan Sirdoonka Itoobiya iyo taliyaha ciidanka Xabashida Berhanu Julla.

Masuuliyiinta Itoobiyaanka ayaa kulamo la leh madaxda Dowladda Federaalka, iyagoo kala hadlaaya in ciidankooda ay kasii mid ahaadaan duullaanka cusub ee loogu magacdaray AUSSOM.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo la hadlay warbaahinta, waxay Dowladda Federaalka dib uga laabatay wararkii ay ku sheegeysay in ciidamada Itoobiya aaney sii joogi doonin Soomaaliya, iyadoo u hogaansameysa cadaadiska dowladaha saaxiibka la ah Xabashida ee Turkiga iyo Maraykanka.

Cali Balcad oo ah wasiiru dowlaha arimaha dibadda ee DF, ayaa sheegay iney suurogal tahay iney dib u eegaan go’aankii ay horey ugu diideen, in ciidamada Xabashida Itoobiya ay kasii mid ahaadaan duullaanka Soomaaliya.

Sida warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan, ciidamada Itoobiya waxaa dalka ka sii joogi doona, labo kun illaa saddex kun oo askari si ay uga sii mid ahaan doonaan duullaanka Soomaaliya, iyadoo ay dabcan u dheertahay ciidanka kumanaanka ah ee xilligay doonaan soo gala, waqtigay doonaanna ka baxa dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here