Yahuudda oo Duqeyn Ka geysatay Qazza, Dad Ku Shahiiday Khan Yuunis iyo Dhawaaqqa Seeriga oo Laga Maqlay Marinka.

9
0

Wararkii Ugu Dambeeyey ee Marinka Gazza sheegaya in labo falastiiniyiin ah ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen duqeyn cirka ah oo habeenkii jimcaha ka dhacay deegaanka Khan Yuunis ee koonfurta marinka Gazza.

Wariyaha Al-jazeera ee ku Sugan Halkaasi ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee guumaysiga ay laba weerar ku qaadeen magaalada Abasan al-Kabira oo bariga ka xigta Khan Yuunis ee marinka Qazza,iyaga oo ka duulaya duullaanka xooggan ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuudda, Isla markaana  bar-tilmaameedsanaya wax kasta oo ku soo dhaqaaqa aaggaas.

Ugu yraan 5 falastiiniyiin ah ay ku shahiiday kadib markii duqeyn lala beegsaday gaari ay saarnaayeen oo ku Sugnaa agagaarka wadada Salax al-Diin ee waqooyiga magaalada Khan Yuunis.

Duqeymo kale, 7 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay ka dib markii diyaarada ay la socdeen ay la beegsatay guri ay degan yihiin qoyska Al-Majaida oo ku yaala Mawasi Khan Yunis, ee koonfurta marinka Gazza.

Sidoo kale waxaa la sheegay in tiro Falastiiniyiin ah ay ku dhaawacmeen duqeyn dhanka cirka ah oo lagu qaaday teendhooyinkii ay ku noolaayeen dadka barakacayaasha ah ee ku yaalla agagaarka Isbitaalka Shuhadada Al-Aqsa ee ku yaalla Deir Al-Balah ee bartamaha Marinka Gazza.

Dhanka waqooyi, Waxaa La sheegayaa in ciidamada gumeysiga ay qarxiyeen dhismayaal la dajiyay oo ku yaala xerada Jabalia iyo agagaarkeeda.

Xerada Nuseirat ee ku taal bartamaha Gazza, 3 qof oo falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii diyaaradaha guumaysiga Yahuudda ay duqeeyeen guri ku yaalla xaafadda Al-Dawa ee waqooyiga xeradaasi deegaano ku yaala waqooyiga marinka Qazza.

Isla mar ahaantaana, waxa loo yaqaan ‘Home Front’ ee Yahuudda ayaa sheegay in seeriga laga maqlay Sderot iyo Efim ee waqooyiga Marinka Gazza ka dib markii ay kormeereen gantaallada loo soo riday aaggaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here