Dhulgariir Xooggan oo ku Dhuftay Galbeedka Shiinaha oo Sababay Dhimasha iyo Dhawac.

17
0

Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay dhul buuraley ah oo ku yaalla Galbeedka Shiinaha oo u dhow jamhuuriyadda Nepal horraantii Talaadadii, waxaana ku dhintay ugu yaraan Sagaal qof, sida lagu sheegay tiro horudhac ah oo ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Xarunta Shabakadda Dhulgariirka ee Shiinaha ayaa sheegtay, in dhulgariir cabirkiisu yahay 6.8 uu ku dhuftay magaalada Shigatse, oo ah tan Labaad ee ugu weyn ismaamulka Tibet, , halka Sahanka Jiyoolajiga Mareykanka uu sheegay, in dhulgariir uu cabbirkiisu dhan yahay 7.1 uu ku dhuftay gobolka Tibet ee Shiinaha.

Telefiishanka dhexe ee Shiinaha ayaa ku warramay, in meelo kooban oo dadku ku badan yihiin ay 5 kilomitir u jiraan xudunta dhulgariirka, halka dhulgariirka uu 380 kilomitir u jira magaalada Lhasa ee caasimadda Tibet.

Dhanka kale, warbaahinta Hindiya ayaa sheegtay, in dhulgariirku ay dareemeen dadka ku nool caasimadda jamhuuriyadda Nepal ee Kathmandu, taas oo dhulgariirka u jirta qiyaastii 400 KM, iyadoo wararku ay tilmaamayaan in dadkii ku noolaa ay ka carareen guryahoodii.

Qeybaha Koonfur-Galbeed ee Shiinaha waxaa si joogta ah uga dhaca dhulgariir, sannadkii 2008-dii, dhulgariir xooggan oo ka dhacay gobolka Sichuan ayaa dilay illaa 70 Kun oo qof.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here