Muqaawamada Falastiin oo Fulisay Hawl-gallo ka Dhan ah Yahuudda.

8
0

Ciidamada Yahuudda ayaa shalay ku dhawaaqay, in askari ka tirsanaa guutada Nahal uu ku dhintay dagaallo ka dhacay Waqooyiga marinka Gaza, taas oo tirada dhimashadeeda isla guutadaas muddo 24 saacadood gudahood ah ka dhigaysa 3 askari. Idaacadda ciidamada Sahaayinada ayaa sheegtay, in guutadan ay dagaalka ku weyday hogaamiyayaasheedi sare- sare.

Maamulka warbaahinta Yahuudda ayaa xaqiijiyay, in tirada askarta Sahaayinada ee laga dilay tan iyo bilowgii dagaalka ay gaartay 826 isugu jira saraakiil iyo askar, iyadoo Yahuuddu ay caan ku tahay qarinta khasaaraha kasoo gaara dagaalka.

Dhankeeda, Guutada al-Qassam, oo ah garabka milatari ee Xamas, ayaa baahisay shalay oo Talaado ahayd, muuqaallo lagu daawan karo iyadoo beegsanayso baabuurta Yahuudda ee Bariga isgoyska Saftawi, sidoo kale waxay Baahiyeen muuqaallo muujinaya dagaalyahanadooda oo ku sugan Bariga Rafah oo qabsanaya tiro ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuudda.

Geesta kale, Guutooyinka Al-Qudus ee garabka milateri ee Xarakada Jihaad Islaami, ayaa sidoo kale shalay baahiyay muuqaal muujinaya dagaalyahanadooda oo gantaallo iyo hoobiyeyaal ku garaacaya ciidamada Yahuudda ee ku sugan deegaannada Netzarim iyo Malaka.

Muqaawamada Falastiin ayaa dardar galisay hawl-gallada ay  ku beegsanayso Yahuudda arxanka daran ee xasuuqa ka wadda marinka Gaza in ka badan hal sano, iyadoo aan xaqiijinin ahdaaftii ay ka lahayd dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here