Maraykanka iyo Ingriiska oo Weerar ku Qaaday Xurumaha Xooggaga Xuutiyiinta ee Dalka Yemen.

4
0

Warbaahino xiriirka la leh xooggaga Xuuthiyiinta ayaa sheegtay, in  waaberigii hore ee saaka oo Khamiis ah, weeraro lagu qaaday dhowr gobol oo ka tirsan dalka Yemen, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo muhiim u ahaa kooxda. Waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay weeraradaas.

Wargeyska Al-Masirah ee ay Xuutiyiintu lee yihiin ayaa sheegay, in weerar gardaro ah lagu soo qaaday  gudaha dalka Yemen, kaas oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka iyo Britain, weeraradan ayaa beegsaday deegaanka Jarban ee koonfurta caasimadda Yemen ee Sanca.

Wargaysku wuxuu kaloo sheegay, in 3 weerar oo kale lala beegsaday degmada Harf Sufyaan oo ka tirsan gobolka Amran ee waqooyiga caasimadda, goobaha kale ee weerarka lala beegsaday waxaa kamida, degmada Al-Luhayyah ee gobolka Al-Xudeydah ee galbeedka Yemen.

Wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganaysa taliska dhexe ee Maraykanka ayaa sheegtay, in uu Maraykanku sheegay inuu duqaymo la beegsaday xarumaha lagu kaydiyo hubka ee dhulka hoostiisa mara, kuwaas oo ku yaalla goobaha ay Xuutiyiinta Yemen ka maamulaan.

Mar sii horeysay, Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagonka ayaa ku dhawaaqday, in Taliska Dhexe ee Mareykanku uu shalay Arbacadii weerar ku qaaday Labo xarumood oo ku yaalla dalka Yemen.

Tan iyo bishii November 2023-kii, kooxda Xuuthiyiinta ay bilowday in ay maraakiibta xamuulka ah ee Yahuudda ama kuwa xiriirka la leh ku beegsato  badda cas, iyagoo u adeegsanaya gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here