Blinken: Heshiiska Xabbad Joojinta ee u Dhexeeya Yahuudda iyo Xamaas waa mid aad u Dhow.

5
0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Arbacadii shalay sheegay, in xabad joojinta iyo heshiiska ay maxaabiista isku weydaarsanayaan Yahuudda iyo Xamaas uu aad u dhow yahay.

Blinken ayaa muujiyay rajada uu ka qabo in la dhameystiro heshiiskaas ka hor inta aysan diblomaasiyadda Mareykanka ku wareegin maamulka cusub ee la doortay ee Donald Trump.

Blinken ayaa tilmaamay, in xitaa haddii qorshaha maamulka Biden ee ku saabsan xabbad joojinta iyo isdhaafsiga maxaabiista uusan hirgelin ka hor caleema-saarka madaxweynaha la doortay ee Donald Trump, uu rumeysan yahay in qorshayaashan la fulin doono wixii ka dambeeya.

“Waxay ila tahay marka aan gaarno heshiiskaas in uu ku salaysnaan doona qorshayaashii uu Madaxweyne Biden u soo bandhigay caalamka,” ayuu raaciyay Blinken.

Arintaan ayaa kusoo aadayso, iyadoo Hogaamiyaha Xamaas Taher al-Nunu uu Arbacadii sheegay, in xarakadu ay samaysay tanaasulaad badan si ay u guulaystaan ​​dadaalada dhex dhexaadinta xabad joojinta iyo in la soo afjaro dhibaatada ay la kulmayaan shacabka reer Falastiin ee ku nool marinka Gaza.

Isagoo carabka ku adkeeyay, in Netanyahu uu raba inuu dhagaha ka furaysto ballanqaad kasta oo horseedi kara xabbad-joojin joogto ah oo ka hirgasho Marinka Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here