Muxuu Trump u rabaa in uu ku daro Greenland? Taas ma samayn karaa?

9
0

Tan iyo markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka ee dhacday bishii November ee la soo dhaafay, madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa si isdaba joog ah u muujiyay rabitaankiisa ah inuu maamulo Greenland iyo kanaalka Panama, wuxuuna sidoo kale ku baaqay in Canada lagu daro Mareykanka.

Trump, oo billaabi doona muddo xileed labaad 20-ka Janaayo (kii ugu horreeyay wuxuu socday 2017 ilaa 2021), wuxuu sheegay inuu doonayo inuu Greenland ka dhigo qayb ka mid ah Mareykanka, isaga oo aan meesha ka saarin adeegsiga awood ciidan ama dhaqaale si xoog loogu isticmaalo.

Denmark si ay u siiso Washington. Grønland waa jasiiradda ugu weyn caalamka, waxa ay ka baaxad weyn tahay wadamada ay ka mid yihiin Mexico iyo Saudi Arabia, balse cimiladeeda ayaa ah mid aad u qabow, waxaana ku nool dad gaaraya 57 kun oo qof oo kaliya, waxa ayna ku taal inta u dhaxeysa Waqooyiga badweynta Atlaantigga iyo Waqooyiga Qaaradda Ameerika, waxayna Danmark ka tirsanayd ilaa 600 oo sano, laakiin waxay ku raaxaysataa is-xukunka.

Warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa ku jiray dhowr su’aalood oo isku dayay in ay si dhow u fiiriyaan jasiiradan iyo hadalada Trump ee ku saabsan.

Sababta uu Trump u  doonayo Greenland ayaa ah; In Gacan-ku-haynta weyn ee Maraykanku ku hayo Greenland waxa laga yaabaa inay faa’iido u leedahay Washington sababtoo ah goobta istaraatiijiga ah iyo kheyraadka, maadaama ay ku taal jidka ugu gaaban Yurub ilaa Waqooyiga Ameerika, sidaas darteed waxay muhiim u tahay nidaamka digniinta gantaalaha ballistic-ga ee Maraykanka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here