Ciidamada Yahuudda ayaa sii wada duullaanka ay ku hayaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan marinka Qaza, waxaana halkaas ku shahiiday kuna dhaawacmay dad badan oo Falastiiniyiin ah, iyadoo xafiiska Qaramada Midoobay uu sheegay in marinka ay soo food saartay macluul baahsan.
Wariyaha Aljazeera ayaa sheegay, in tiro Falastiiniyiin ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen duqeymo ay diyaaradaha Sahaayinadu ka geysteen magaalada Rafah ee koonfurta Marinka Qaza.
Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay, in qof Falastiini ah uu ku shahiiday kuwa kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuuddu la beegsadeen dad shacab ah oo ku sugnaa galbeedka magaalada Khan Yuunis ee koonfurta Marinka Qaza.
Shalay Khamiistii, ilo-wareedyo caafimaad ayaa Aljazeera u sheegay, in 22 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo is-daba joog ah oo ay Yahuuddu ka fuliyeen goobo kala duwan oo ka tirsan Marinka Qaza, kuwaas oo 13 ka mid ah ay ku shahiideen Waqooyiga Marinka.
Sida uu ku soo waramayo wariyaha Aljazeera, duqeymo dhanka cirka ah oo ay Yahuuddu la beegsatay iskuulka Al-Rafei oo ay dagaanaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla deegaanka Jabalia ayaa waxaa ku shahiiday 4 Falastiiniyiin ah, halka ay ku dhaawacmeen illaa 15 kale oo u badan haween iyo caruur.
Wariyaha ayaa sheegay, in dadka dhaawaca ah loo gudbiyay Isbitaalka Baptist, si halkaas loogu dabiibo, iyadoo howlwadeenada caafimaadku ay sheegeen in dadka dhaawaca ah qaar kood ay xaaladoodu aad u liidato.