Faahfaahin dheraad ah ayaa laga helaaya dagaalo shalay galab ka dhacay gobolka Galgaduud.
Dagaalada ayaa u dhexeyay militariga Alshabaab iyo kuwa dowlada federaalka Soomaaliya.
Ciidamada Alshabaab ayaa dagaalkaas kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Wanniile ee hoostaga degmada Ceeldheer.
Sida warar lagu kalsoon yahay aan heleyno ciidamada dowlada federaalka waxaa dagaalka loga dilay 2 askari, halka laga dhaawcaay 13 askari oo 3 kamid ah ay garaab yihiin.
Waxaana kamid ah askarta dhaawacantay Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ah taliye Urur.
Dagaalka oo ahaa mid jab xoggan logu gaarsiyay ciidamada dowlada ayaa sidoo kale loga qabsaday 5 qori AK47 ah.