Goob-joogayaal Suudaaniyiin ah ayaa ku dhawaaqay Jimcihii shalay, in 4 qof ay ku dhinteen, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen madaafiic ay Ciidamada Taageerada Degdegga ah ku garaaceen Xerada Barakacayaasha Abu Shuk ee ku taalla Magaalada Al-Fasher ee Xarunta Gobolka Waqooyiga Darfur.
Guddiyada iska caabinta ee ku sugan Al-Fasher ayaa bayaan ay soo saareen ku yiri: “Ciidamada Taageerada Degdegga ah ayaa duqeeyay xerada Abu Shuk oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah galabnimadii Jimcaha,” iyagoo intaa ku daray in duqeyntu ay ku dhinteen 4 qof, halka in ka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo u socday inay soo tukadaan salaaddii Jimcaha.
Dhan kala, Isuduwaha Guud ee Barakacayaasha iyo Qaxootiga ee Darfur ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Ciidamada Taageerada Degdegga ah waxay madaafiic ku garaaceen gooba badan oo ka mid ah xerada Abu Shouk ee ku taalla magaalada Al-Fasher.”
Tan iyo 10-kii Maajo, Al-Fasher waxaa ka socday dagaallo u dhaxeeyay ciidamada Suudan iyo xooggaga taageerada degdega ah, waxaana ka dhashay dagaaladaas khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah oo aan hubeysneyn.