Xarunta Cilmi-baarista ee Jarmalka (GFZ) ayaa ku dhawaaqday, in subaxnimadii hore ee saaka uu dhulgariir cabirkiisu yahay 5.5 uu ku dhuftay dalka Itoobiya, gaar ahaan Bariga caasimadda Addis Ababa. Xaruntu waxa ay intaa ku dartay, in dhul gariirku uu oogada dhulka ka hooseeyo 10 KM.
Sidoo kale habeenimadii Arbacada ee lasoo dhaafay Labo dhul gariir ayaa ku dhuftay deegaano katirsan dalka Itoobiya.
Sida laga soo xigtay Hay’adda Cilmi-baadhista Dhulka ee Maraykanka, Dhul-gariirkii ugu horreeyey oo lagu qiyaasay 4.9 ayaa ku dhuftay meel 23 KM dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Awash, kaaas oo oogada dhulka ka hooseeya 10-KM.
Dalka Itoobiya waxaa baryahaan danbe uu Allaah ku saliday dhul-gariiryada, iyadoo isbuucyo guduhood ay ka dhaceen dhulgariiryo xooggan, kuwaas oo qal-qal iyo naxdin ku abuuray xabashida caadaysatay la dagaalanka Islaamka iyo dadkiisa.