Kooxda Xuutiyiinta oo Sheegatay in ay Weerar Ku Beegsadeen Markab Dagaal oo Laga Lahaa Dalka Maraykanka.

2
0

Kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yemen ayaa ku dhawaaqday, in ay beegsatay Markab laga lee yahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo “USS Harry Truman” kaas oo ku sugnaa badda cas, iyadoo ay saarnaayeen tiro gantaallo ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn, kaas oo doonayay inuu beegsado goobaha lagahagayo gantaalada lagu beegsado dhulka ay Yahuuddu gumaysiga ku haysato.

Afhayeenka  kooxdan oo lagu magacaabo Yaxye Sariic ayaa shalay Sabtidii sheegay, in weerarka ay ku qaadeen markab laga leeyahay dalka Mareykanka uu ahaa kii shanaad oo noociisa ah tan iyo markii ay soo galeen badda cas bartamihii bishii December, waxaana sidoo kale lagu bartilmaameedsaday tiro ka mid ah maraakiibta dagaalka ee diyaaradaha qaada ee ku sugan waqooyiga Badda Cas.

Yaxye Sariic ayaa intaa ku daray in howlgalka ay fuliyeen ciidamada Gantaalada iyo kuwa cirka laga gaaray hadafkii laga lahaa, islamarkaana lagu qasbay markabka xambaara diyaaradaha Mareykanka in uu isaga baxo hawlgalkii uu kawaday biyaha bada cas.

Afhayeenku waxa uu tilmaamay in ciidamada kooxdu ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan duulaan kasta oo Maraykan iyo Yahuuddu ay ku soo qaadaan Yemen, wuxuuna sheegay inay sii wadi doonaan hawlgalada military, isagoo xusay in aanay joogsan doonin illaa ay ka joogsadaan duullaanka gardarrada ah iyo go’doominta ay ku hayaan Qaza.

Waa weerarkii labaad oo ay Xuutiyiintu ku dhawaaqaan muddo 24 saac gudahood ah, kaas oo ka dhan ah maraakiibta Maraykanka, waxaana weerarkan uu ku soo beegmay maalin kaddib markii caasimadda Sanca iyo deegaanno kala duwan oo ku yaalla waqooyiga iyo galbeedka Yemen ay duqeymo ka geysteen diyaaradaha Yahuudda, Mareykanka iyo Ingiriiska, sida ay sheegeen kooxda Xuuthiyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here