Iska Caabinta Falastiiniyiinta oo Weerar Gaatmo ah Dhaliyey Dhimasho Iyo Dhaawac Ku qaaday Yahuudda iyo warbixin ku saabsan dhacdo “aan horay loo arag”

6
0

Ciidamada Yahuudda ayaa Sabtidii qirtay in 4 askari oo ka tirsan guutada Nahal lagaga dilay dagaalladii ka dhacay waqooyiga Marinka Gazza, sarkaal iyo askarina si xun loogu dhaawacay.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa sheegay in afarta askari lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Beit Hanoun ee waqooyiga Marinka Gazza, waxaana la sheegay in qaraxa lala beegsaday ciidamo ilaalo u ahaa taliye ku xigeenka guutada Nahal oo uu dhaawac soo gaaray weerarka.

Wargeyska Yahuudda ayaa tilmaamay in ciidamadu ay baarayaan suurtagalnimada in ragga hubeysan ay gaaraan goobtii askarta lagu bartilmaameedsaday iyagoo mara godad aan wali la helin, waxaana ilo-wareedyo ay soo xiganayeen ay sheegeen in “aagga weerarka gaadmada ah lagu soo qaaday ee Beit Hanoun uu lahaa. Ciidanka ayaa sifeeyay, oo si buuxda gacanta ugu haya.”

Dhankeeda Channel-ka 12-aad ee Yahuudda ayaa sheegay in weerarka Beit Hanoun uu ahaa laba weerar oo gaadmo ah oo ay ka mid ahaayeen qarax miino iyo weerar toogasho ah oo lagu qaaday ciidamada Yahuudda.

Kanaalka ayaa tilmaamay in baaritaan horudhac ah uu xaqiijinayo in daad gureynta askarta dhintay iyo kuwa dhaawacmay ee Beit Hanoun ay ahayd mid adag oo ay rasaas ku fureen Iska Caabinta Falastiiniyiinta.

Dhanka Kale Madaxweynaha Yahuudda Isaac Herzog oo ka hadlay weerarka ayaa yiri “Qalbigeenu waa ka go’an tahay 4 askari oo maanta lagu dilay dagaalladii Qaza”, wuxuuna intaas ku daray in dagaalku uu weli ku socdo qiimo aad u culus oo xanuun badan.

Tdobaad oo keliya.” Halka wasiirka difaaca Yahuudda Yisrael Katz uu faallo ka bixiyay, “Caawa aad ugu adag Yahuudda ka dib markii aanu helnay warka ku saabsan dilka 4 ka mid ah wiilashayada ugu wanaagsan,” waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ka dib, Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda, Benjamin Netanyahu, wuxuu yiri, “Waxaan ka xunnahay dilka 4 ka mid ah askartayaga ee waqooyiga Gaza.”

Dhankeeda, Channel 13 ee Yahuudda ayaa sheegay in 50 askari oo Yahuudda ah lagu dilay Beit Hanoun, tan iyo markii uu bilowday howlgalka waqooyiga Marinka Gazza, waxa ay sidoo kale tilmaamtay in 400 oo askari laga dilay tan iyo markii dhulka la bilaabay howlgalkii Marinka Gazza.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay warbaahinta Yahuudda ay sheegtay fiidnimadii Sabtida in 4 askari lagu dilay qaar kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo ciidamada Yahuudda ay ku qaadeen saldhigyada ay deggan yihiin dadka deegaanka ee ku sugan baraha bulshada ayagoona dhaawac Ugu Geystay Halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here