Mudaharaad aad u balaaran ayaa ka dhacay magaalada Tangier ee dalka Marooko, kaas oo lagu taageerayo Gaza laguna cambaareynayo dagaalka xasuuqa ah ee ay Sahaayinada ka wadda Marinka.
Boqolaal qof oo Moroccan ah ayaa ka qayb-galay dibad-baxyo ka dhacay Waqooyiga Morocco fiidnimadii Sabtida, iyagoo cambaareeyay xasuuqa ka socda Marinka Gaza muddada dhan 16-ka bilood.
Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada, waxayna kor usideen calanka Falastiin iyo sawirada Masjidka Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada barakaysan Qudus, taas oo ku hoos jirta gumaysiga Yahuudda.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu, dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ay ku cambaareynayaan xasuuqa Yahuudda, iyagoo dalbanaya in la difaaco dadka rayidka ah ee ku nool Gaza, isla markaana diiddan barakicinta qasabka ah ee lagu hayo Falastiiniyiinta, iyagoo ku nuuxnuuxsaday inay si buuxda u garab taagan yihiin qadiyadda falastiin iyo xuquuqda ay shacabka Falastiin u leeyihiin inay ka hortagaan gumeysiga.
Ka qaybgalayaashu waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen, muhiimadda ay leedahay tallaabo caalami ah oo degdeg ah, si loo joojiyo dembiyada Sahaayinada ee ka dhanka ah Shacab reer Falastiin iyo in la hubiyo ilaalinta dadka rayidka ah ee ku go’doonsan Marinka Gaza.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in 32 qof ay shahiideen, halka ku dhawaad 193 ruuxna ay ku dhaawacmeen, kadib shan xasuuq oo ay ciidammada gumaysigu ka geysteen Marinka Gaza 48-kii saac ee la soo dhaafay.
Yahuudda oo taageero ka helayso dawladda Maraykanka ayaa waxay Gaza ka waday xasuuq tan iyo bishii Oktoobar 2023, waxaana ka dhashay dhimishada iyo dhaawaca kumannaan falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badmaa carruur iyo haween.