Ciidamada Dawladda Iiraan oo Sameeyay Dhoolatusyo ay Ku Dhifaacayaan Barnamijkooda Nukliyeerka.

3
0

Ciidamada Iran ayaa sameeyay dhoolatus ay ku difaacayaan xarumaha Nukliyeerka ee Fordo iyo Arak, iyadoo ay sii kordheyso xiisada ka dhalatay barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran, ka hor inta uusan Donald Trump ku soo laaban Aqalka Cad 20-ka Janaayo.

Wakaaladda wararka ardayda ee Iiraan ISNA ayaa sheegtay, in ciidamada difaaca cirka ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo, ay kaga hortagayaan weerar kasta oo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha Fordow iyo Arak.

Dhaqdhaqaaqyadan oo billowday habeenimadii Sabtida, ayaa waxay qayb ka ahaayeen dhoolatus ciidan oo ballaaran oo loogu magac daray “Iqtidaar” oo billowday toddobaadkii hore, wuxuuna socon doonaa illaa bartamaha bisha Maarso, iyadoo ay ka qayb-qaadanayaan ciidammada Iiraan iyo kuwa ilaalada kacaanka.

Wakaaladda wararka ee Iran IRNA ayaa sheegtay, in dhaqdhaqaaqyadan laga bilaabay gobollada Galbeedka iyo Waqooyiga Iran, halkaas oo ay ku taallo xarunta warshada Arak ee ka shaqaysa hormarinta barnamijka Nukliyeerka.

Sidoo kale dhoolatusku wuxuu ka socdaa Xarunta Fordow, oo ku taalla buuraha u dhow magaalada Qom, taas oo ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan Iran ee lagu bacramiyo uraniumta.

IRNA waxa ay sidoo kale xustay, in dhoolatusyada ay ka mid yihiin gantaalada iyo raadaarka  cutubyada dagaalka ee elektaroonigga ah, kontoroolka macluumaadka iyo unugyada aqoonsiga elektaroonigga ah, waxaa kaloo qayb ka ah nidaamyada difaaca hawada iyada oo ujeedadu tahay in si dhab ah loo qiimeeyo waxtarka hawleed ee qorshayaasha difaaca hawada ee ka dhanka ah weerarada cadawga.

Talaadadii la soo dhaafay, Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ku dhawaaqday, in ay dhoolatus ka bilaabayaan meel u dhow xarunta Natanz ee ka shaqaysa tayeynta Uraniumta ee bartamaha dalka.

Dhawaan, La-taliyaha Amniga ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa madaxweyne Joe Biden u bandhigay xulashooyin ku aaddan weerarrada Mareykanka ee xarumaha Nukliyeerka Iran, haddii Tehran ay bilowdo sameynta hubka Nukliyeerka ka hor inta uusan Trump xilka la wareegin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here