Ciidamada xarakada mujahidiinta Alshabaab waxey habeenkii xalay qarax la beegsadeen koontarool ay fariisin ku lahayeen ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya oo ku yaala Hareeri Kaadiyow ee magaalada Baydhabo.
Waxaa la soo warinaa in khasaare uu soo gaaray ciidamada qaraxa lagu weeraray.
Isla Baay waxey ciidamada xarakada Alshabaab qarax la beegsadeen gudoomiyaha degmada Berdaale.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay 2 askari oo Istaafkiisa ka mid ahaa.