Iska Caaabinta Falastiiniyiinta oo burburiyey goobo ku yaal Netzarim, Waxaana Socda Deder gelinta Heshiis Xabad Joojin Labada Dhinac ah.

10
0

Maalintii 466-aad dagaalka Gazzana uu halkiisa ka sii socdo, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in la dardargeliyay tillaabooyinka lagu gaarayo heshiis xabad-joojin ah iyo maxaabiista ay isweydaarsanayaan Labada dhinac, iyadoo ciidamada maamulkaas ay billaabeen inay burburiyaan tiro ka mid ah fariisimaha ay ku leeyihiin gudaha.

dhidibka Netzarim ee kala qaybinaya waqooyiga iyo koonfurta Marinka Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa kala hadlay Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, xaaladihii ugu dambeeyay ee wada xaajoodka, isagoo khadka taleefoonka kula xiriiray shalay oo Isniin ahayd, Biden ayaa xaqiijiyay in heshiis dhow uu yahay.

Dhankiisa, Amiirka Qatar ayaa qaabilay wafdi ka socday dhaq-dhaqaaqa Xamaas, kuwaasoo u xaqiijiyay inay si wanaagsan ula tacaalayaan dadaallada ka socda Dooxa.

Geesta kale, Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda, Benjamin Netanyahu, ayaa ku baaqay in la tashiyo lala yeesho madaxda hay’adaha ammaanka, iyadoo warbaahinta Yahuudda ay tebisay tafaasiil ku saabsan heshiiska suurtagalka ah, wuxuuna sheegay in ciidammada ay wejiga hore ka bixi doonaan aag difaac ah ku yaalla Strip oo u dhow xuduudka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here