Muxuu Daarnaa Safarkii uu Xassan Sheekh Maxamuud ku Tagay Dalka Itoobiya? (Warbixin)

8
0

Madaxwaynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyay Labada dal, kaddib markii ay dawladadda Soomaaliya sheegtay inay xiriirka u jartay dawlada Itoobiya sababa la xiriira heshiiskii dhinaca badda ahaa ee ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland.

War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Labada dal, kaddib booqasho lama filaan ah oo uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, ayay Labada hogaamiye ku cadeeyeen inay  ka go’an tahay in ay dib u soo celiyaan xiriirkoodii.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Itoobiya, Mesganu Arga Moach, ayaa tallaabadan ku tilmaamay horumar weyn oo laga gaaray xiriirka laba geesoodka ah ee ay la yeesheen Madaxwaynaha Soomaaliya.

Ku dhawaaqistan ayaa ah tii u dambaysay ee muujinaysa in Itoobiya iyo Soomaaliya ay bilaabeen in ay dhinac u leexiyaan khilaafka soo jiitamayay mudada sanadka ah, kaddib markii ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland bilawgii 2023-kii, heshiis ay qaybo kamida Badda Soomaaliya ku qaadanayso, kaas oo khilaaf ba’an ka dhex abuuray madaxda dawladda Fadaraalka iyo kuwa Itoobiya.

Heshiiskan ayaa ahaa in Itoobiya ay hesho dekedd ku teedsan xeebaha Somaliland si ay u aqoonsato madax-bannaanida Somaliland. Saraakiisha Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska uu ku jiro ogolaanshaha dhismaha xarun ay leeyihiin ciidamada badda oo ku teedsan xeebaha gacanka Cadmeed. Heshiiskaas ayay ku gacan sayrtay xukumada Fadaraalka, ayadoo ku cilaysay inaan ayada losoo marin qaadashada Badda Soomaaliya, taas oo khilaaf kala dhex dhigtay Labada xukuumadood.

Ismarinwaaga diblumaasiyadeed ayaa halis galiyay in uu wiiqo iskaashiga Labada xukuumadood ee dhanka dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Dawladda Fadaraalka ayaa ku dhawaaqday qorshe ay Itoobiya uga saarayso howlgalka ATMIS ee loo badalay AUSSOM ee ay Qaramada Midoobay taageerto, iyadoo ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka ay kabadan yihiin kuwa dawladaha kale ee ka tirsan hawlgalkan.

Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay sheegtay inay dib u eegis ku sameyn doonto joogitaanka ciidamada Itoobiya, kaddib shir ay bishan yeesheen Wasiirada Difaaca ee labada dal, waxay sheegeen inay heleen ballanqaadyo ku saabsan tirada askarta loo idmaday inay ka qayb galaan hawlgalka cusub.

Madaxda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan ka soo horjeedin damaca Itoobiya ee ah in ay hesho deked, balse ay kasoo hor jeedaan  go’aankeeda ah in ay ka gudubto dowladda dhexe, halka ay soo mareen maamulka Soomaaliland.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya ku sheegay in qayb ka mid ah waxyaabihii lagu heshiiyey shirkii Addis Ababa ay ahayd “siyaasad hal-door ah”, isagoo soo jeediyay in Itoobiya aanay si toos ah ula xiriirin Somaliland iyada oo aan oggolaansho laga haysan Soomaaliya.

Horumarka lama filaanka ah ee xiriirka ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, uu dhex dhexaadiyay wada hadal dhex maray madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya oo bishii hore ka dhacay caasimadda Turkiga. Wadahadallada ayaa ku soo idlaaday baaqii Ankara, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ballan-qaadeen inay khilaafkooda ku xallinayaan wadahadal.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee Itoobiya oo ah tii ugu horreysay muddo sannad ah, ayaa ku soo beegantay iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya uu ka qeyb galay kulan uu Qaahira kula yeeshay xukuumadaha Eritrea iyo Masar  oo Labaduba xiriir wanaagsan la lahayn Itoobiya, isla markaana ay isbaheysi samaysteen bishii October ee sanadkii hore.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa sheegay in saddexda dal ay ka wadahadleen in ciidamo aan xuduud la lahayn bada cas ay u suura gasho joogitaanka marinkan muhiimka u ah dhaqaalaha aduunka, isagoo warbaahinta u sheegay in aan  la aqbali doonin joogitaanka ciidan aan bada cas xuduud la lahayn.

Masar ayaa bilowday inay hub siiso Soomaaliya xagaagii lasoo dhaafay, waxayna isku diyaarineysay inay wadahadal la yeelato Muqdisho, kaas oo ku saabsan soo daad gureynta askarta Masar, si ay ugu biiraan howlgalka ka socda Soomaaliya, kuwaas oo dawladda Fadaraalka  ka taageeraya dagaalka ay kula jiraan xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Heshiiskan uu Xassan Sheekh lagalay Itoobiya ayaa wax kama jiraan ka dhigaya is afgaradkii uu lagalay dawladaha Masar iyo Eretariya sanadkii lasoo dhaafay, kuwaas oo meesha ka saarayay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here