Taliyaha milatariga Burkina Faso Ibrahim Traore ayaa Isniintii dorraad sheegay, in madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku aflagaadeeyey dhammaan Afrikaanka khudbad uu jeediyay toddobaad ka hor.
Khudbadda muranka badan dhalisay ee uu Macron jeediyay ayaa waxa uu ku dhalleeceeyay qaar kamida madaxda dalalka Afrika, kuwaas oo uu Farasiiska ku andacooday inaysan kaga mahadcelinin faragelinta milatari ee uu dalkiisa kula dagaallamayay waxa uu ugu yeeray argagixisada gobolka Saaxilka.
“Waxaan u maleynayaa inay hilmaameen inay noo mahadceliyaan, dhib malahan, waxay dhici doontaa waqti kadib, mahadnaq la’aanta, waa cudur aan u gudbin bani’aadamka,” ayuu ku yiri Macron khudbadiisa.
Isagoo ka jawaabaya hadalka madaxweynaha Faransiiska Traore waxa uu sheegay, in Macron uu aflagaadeeyay dhammaan Afrikaanka, uusanna Afrikaanka u arkin inay yihiin bani’aadam sidiisoo kala ah.
Xiriirka Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa sii xumaanayey tan iyo markii Traore, oo 36 jir ah, uu si xoog ah xukunka kula wareegay bishii Sebtembar ee sanadka 2022-ka. Dalalka Burkina Faso Mali iyo Niger, waa saddexda waddan ee Afrikaanka ah ee ay ciidamada Faransiisku ka baxeen 2023-kii.
Faransiiska ayaa go’aansaday inuu dib u habeyn ku sameeyo joogitaankiisa ciidan ee Afrika, laakiin qaar ka mid ah dalalka sida Chad iyo Senegal ayaa tallaabadaas oo kale qaaday bishii November ee la soo dhaafay, markasoo ay Faransiiska ka codsadeen in uu ciidamadiisa kala baxo dhulkooda.