Wariyaha Aljazeera ayaa soo sheegay saaka in 22 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha joogtada ah ee ay Yahuuddu ka geysaneyso Marinka Qaza tan iyo waaberigii saaka, iyadoo xawliga duqeyntu ay sii kordhayso markii ay soo dhawaatay xabad joojin la sugayo saacadaha soo socda inay hir gasho.
Ilaha caafimaadka ayaa Aljazeera u sheegay in 63 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha ay Yahuuddu ka geysanayaan deegaano dhowr ah oo ku yaalla Marinka Qaza tan iyo waaberigii shalay Talaadadii.
Wariyaha Aljazeera ayaa soo sheegay, in shan Falastiiniyiin ah oo saddex kamid ah ay kasoo jeedaan hal qoys ay ku shahiideen qaar kalana ay ku dhaawacmeen duqeyn maanta waaberigii ay Yahuuddu la beegsatay guri ku yaalla xerada Al-Bureyj ee bartamaha marinka Qaza.
Wariyaha ayaa sidoo kale soo sheegay in tiro Falastiiniyiin ah ay ku dhaawacmeen duqeyn ay Yahuuddu la beegsatay guri ay deganaayeen oo ku yaallay xerada Nuseyrat ee bartamaha marinka Qaza.
Yahuudda ayaa xoojisay duqaymaha ay ka gaysanayaan marinka go’adoonsan ee Qaza, ayadoo saacadaha soo socda la filayo inuu heshiis xabad joojin ah bilowdo, kaas oo ka dhacaya magaalada dooxa ee caasimada Qatar.