Wararka ka imanaya gobolka Baay ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in galabta qarax uu ka dhacay gudaha magaallada Baydhabo ee xarunta maamulka goboleedka Koonfur Galbeed.
Qaraxan oo sida ay wararku tibaaxayaan ahaa mid aad u culus ayay militariga Al-Shabaab la beegsadeen ciidamo shisheeye ee Itoobiya oo dhex lugaynayay gudaha magaalada.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ciidanka Itoobiya u geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Faahfaahin buuxda lagama helin khasaaraha gaaray Xabashida inta uu la egyahay, balse waxaa suuro-gal ah in saacadaha soo socda ay maclumaad dheeraad ah soo baxaan.