Khaliil Al-Xayaa, oo ah Guddoomiye ku xigeenka Dhaqdhaqaaqa Iska caabinta Falastiiniyiinta ee Xamaas, ayaa sheegay in dagaalka duufaanta Al-Aqsa uu ka dhigan yahay isbedel muhiim ah oo taariikhda u galay shacabka Falastiin, isagoo carabka ku adkeeyay in iska caabinta gumaystaha aysan joogsan doonin dagaalkan kaddib.
Al-Xayaa waxa uu intaas ku daray khudbad uu Telefishanka ka jeediyey kaddib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay heshiiska xabbad-joojinta in halgankii iyo naf hurnimadii ay sameeyeen Guutooyinka Qassam ee dhacay Oktoobar 7, 2023-kii, ay ahaan doonaan guullo lagu faano.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in Gumaystuhu isku dayayey tan iyo bilowgii dagaalka in ay meesha ka saaraan iska caabinta Falastiiniyiinta, iyagoo baabi’iyay inta badan deegaanadii Marinka Qaza, barakiciyay dadkii ku noolaa, hasa ahaatee mana aysan gaarin taako kamida ahdaaftii ay ka lahaayeen dagaalka.
Al-Xayaa wuxuu dhanka kale bogaadiayay in dagaalyahannada wax-iska-caabbinta ee guutooyinka Al-Qassam, garabka milateri ee Xamaas, iyo dagaalyahannada kooxaha kale – oo ay ugu horreeyaan guutooyinka Al-Qudus oo ah garabka milateri ee Xarrakatul Jihaad Al-Islaami – ay si sharaf iyo geesinimo leh ula dagaallameen gumaystaha.
Kaliil Al-Xayaa ayaa intaas kaddib umahad celiyay cid waliba oo garab iyo gaashaan lagarab istaagtay reer Falastiin, ayadoo caalamka Islaamku gaar ahaan kuwa carabta eek u hareeraysan ay khudlaamiyeen uhiilinta Falastiiniyiinta, dhanka kalana ay kala safteen gumaystaha Yahuudda.