Yahuudda oo Xalay Duqayn ka Fulisay Deegaano ka Tirsan Waqooyiga Marinka Qaza.

4
0

Diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa qaaday weeraro xooggan, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxayna duqaymo ka fuliyeen waqooyiga marinka Qaza, kaddib xasuuqyo is daba joog ah oo Yahuuddu bilaabeen wixii ka dambeeyay ku dhawaaqista heshiiska xabad joojinta ee la filayo inuu dhaqan galo maalinta Axada ah.

Saqdii dhexe ee xalay, ciidamada Yahuudda ayaa duqaymo la beegsaday  guryo ku yaalla jidka Jaffa ee waqooyi bari kaga beegan magaalada Qaza. wariyaha Aljazeera ayaa soo sheegay in ay jiraan tiro shuhado ah iyo dhaawaca tiro kale oo intaas ka badan.

TV-ga Al-Aqsa ayaa sheegay, in ciidamada guumaysiga Yahuuddu ay diideen in shaqaalaha ambalaastu ay gaaraan guryaha la beegsaday, si ay goobaha caafimaadka u geeyaan shuhadada iyo dhaawacyada ka dhashay weerarka.

Wariyaha Aljazeera ayaa soo sheegay goor sii horeysay in ka badan 20 Falastiiniyiin ah in lagu dilay shalay oo Khamiis ahayd duqeymo ka dhacay guryo ku yaalla magaalada Jabalia ee waqooyiga marinka Qaza.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay, xaafado badan oo ka tirsan magaalada Qaza ayaa lagu garaacay duqeymo xooggan, kuwaas oo ay ku shehiideen tobonaan Falastiiniyiin ah, taasoo qeyb ka ah kor u kaca gardarada Yahuudda kaddib markii lagu dhawaaqay heshiiska xabad joojinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here