Qaar kamida Ardayda wax ka Barata Jaamacadda Leicester ee Dalka Britain ayaa Cunnadii iska joojiyay.

6
0

Maalintii labaad oo xiriir ah, shan arday oo wax ka barata Jaamacadda Leicester ee dalka Britain ayaa sii wada cunta-joojinta iyaga oo ka soo horjeeda in jaamacaddu ay gacan ka geysato xasuuqa ka socda Gaza.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed ay daabacday kooxda “Leicester Action for Palestine”, ardaydu waxay doonayaan in jaamacaddu ay joojiso la macaamilka shirkadaha ku lugta leh xasuuqa Gaza. Waxay sidoo kale ku baaqeen, in la gooyo xiriirka shirkadaha hubka siiyo Yahuudda kana macaasha xasuuqa Gaza ka socda.

Isaga oo ka hadlaya cunto-joojinta, afhayeen u hadlay Jaamacadda Leicester ayaa yiri: “Caafimaadka iyo badbaadada ardaydeenu waa waxa aan mudnaanta koowaad saarayno, waan sii wadi doono inaan si dhow ula shaqayno bulshadeena si aan dib u eegis ugu samayno cabashooyinka la soo jeediyay.”

Marka laga soo taga dadka Muslimtiinta ah qadiyadda Falastiin ayaa taabatay shacabka dawladaha ka qayb qaadanayo xasuuqa ay Yahuuddu ka waddo marinka Gaza in ka badan hal sano, taas oo ay ku shahiideen kumanaan ruux oo shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here