Iska horimaad hubeysan oo ka dhacay Nablus iyo Tulkarm, Iyo Ciidamada gumeysiga oo toogasho ku dhaawacay Shacabka falastiiniyiinta.

31
0

Dibad-baxayaal falastiiniyiin ah ayaa subaxnimadii jimcaha isku dhacay ciidamada Yahhuudda ee Nablus iyo Tulkarm, halka saddex falastiiniyiin ah ay ku dhaawacmeen rasaas ay ciidamada Yahuudda ku fureen waqooyiga daanta galbeed.

Ilo wareedyo laga helayo ayaa Sheegayaa in ciidamada Yahuudda ay gudaha u galeen magaalada Nablus ayna u direen gaadiid dagaal oo ay wateen dhanka deegaanka Al-Masakin sidoo kalena ay xoog ku galeen deegaanka Raafida oo ay ku sugnaayeen.

Guutada Shuhadada Al-Aqsa – Vanguard of Liberation – ayaa ku dhawaaqday in dagaalyahanadooda ay beegsadeen ciidamada qabsaday magaalada Nablus oo ay dagaal la galeen.

Dhankeeda, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahanada wax iska caabinta ay rasaas ku fureen aroornimadii hore ee jimcaha koontaroolka ciidamada Yahuudda  ee Aarta, ee bariga Nablus.

Fiidnimadii Khamiista, Bisha Cas ee Falastiin ayaa ku dhawaaqday in 3 wiil oo dhalinyaro ah ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamada Yahuudda intii lagu jiray iska horimaad ka dhacay xerada Askar al-Jadeed ee Nablus.

Sidoo kale waqooyiga Daanta Galbeed, ilo-wareedyo Falastiiniyiin ah ayaa ku waramay in iska hor imaad uu maanta waaberigii ku dhex maray dagaalyahanada wax iska caabinta iyo ciidamada qabsaday intii ay duulaanka ku qaadeen agagaarka xerada Tulkarm.

Isku soo wada duuboo, ciidamada Yahuudda ayaa xoog ku galay xerada Aqabat Jaber ee magaalada Jericho, halka warbaahinta falastiiniyiinta oo soo xiganaysa ilo maxalli ah ay sheegayaan in ciidamada Yahuudda ay xireen 5 falastiiniyiin ah intii ay ku guda jireen duulaanka ay ku qaadeen tuulada Haris ee galbeedka Salfit.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here