Dawladaha Ruuska iyo Iran oo lagu Wado inay ka Saxiixdaan Heshiis Soconaya 20 Sano.

6
0

Madaxweynaha dawladda shiicada Iran Masoud Peskov ayaa maanta oo jimco ah gaaray magaalada Moscow, si uu wadahadallo ula yeesho dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, kulankaas oo u gogal xaarayo saxiixa heshiis iskaashi oo istiraatijiyadeed oo dhex mari doona labada dal.

Waxyaabaha ay ka wadahadleen labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labo geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan, sida amniga, difaaca, tamarta, tignoolajiyada hawada sare iyo dhaqaalaha. Sidoo kale waxay ka wadahadleen xaaladaha Bariga Dhexe gaar ahaan dalka Suuriya. Wadahadallada ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo iyadoo la saxiixi doono heshiis istiraatijiyadeed oo dhameystiran oo u dhexeeya Ruushka iyo Iran muddo 20 sano ah.

Dhinacyada Ruushka iyo Iran waxay ku nuuxnuuxsadeen, in heshiisku aanu ahayn isbahaysi milatari oo ka dhan ah dalal kale, balse uu ujeedkiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka guud iyo ilaalinta qiyamka bini’aadamka. waa sidii hadalka udhigeene.

Dhinaca Iran ayaa sidoo kale tilmaamay, in heshiiskan uu gacan ka geysan doono sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ku aaddan samaynta khadka Waqooyi illaa Koonfur ee isku xira Ruushka iyo Badweynta Hindiya isagoo sii maraya Iran.

Saxiixa heshiiskan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo saamaynta Ruushka iyo Iiraan ee Bariga Dhexe ay hoos u dhacday kadib markii talada laga tuuray mujrimkii dhiig yacabka ahaa ee Bashaar Al-Asad, kaas oo ku amartaaglayn jiray talada dalka Suuriya, isagoo taageero ka helayo labadaan dal.

Saxiixa ayaa sidoo kale dhici doona maalmo yar ka hor caleema saarka madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump, kaas oo aad cadaadis usaaray Iran inta lagu jiray muddo xileedkiisii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here