Wasiirada Kayaan Sahaayinada oo Ansaxiyay Heshiiska xabad joojinta ee Marinka Gaza.

13
0

Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay, in xukuumadda Benjamin Netanyahu ay ogolaatay heshiiska is dhaafsiga maxaabiista iyo xabad joojinta ee Gaza, waxayna warbaahinta Sahaayinada ay sheegtay, in 24 wasiir oo ka tirsan xukuumadda ay taageereen heshiiska, halka 8 wasiir ay kasoo horjeesteen.

Wasiirada Kayaan Yahuudda oo dhammaystiran ayaa fiidnimadii Jimcaha kulan yeeshay si ay uga wadahadlaan heshiiska xabbad-joojinta ee Gaza, kadib markii waxa loogu yeero golaha ammaanka ay ku taliyeen in la ansixiyo heshiiska horaantii Jimcihii.

Heshiiska ayaa iska caabin adag kala kulmay xulafada isbahaysiga midigta fog ee Netanyahu, kuwaas oo diidmadoodu ay khalkhal galin karto kayaan Sahaayina.

Mar sii horreysay, ilo-wareedyo ayaa Aljazeera u sheegay in dhexdhexaadiyayaasha wada-xaajoodka xabbad-joojinta ee Gaza ay cadaadis ku saareen ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu, in maamulkiisa uu dhammaystirto oggolaanshaha lagama maarmaanka u ah heshiiska, kaasoo la filayo inuu dhaqan galo Axadda inagu soo wajahan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here