Ciidamada Gumeysiga oo Xoog ku Galay Magaalooyinka Nablus iyo Tulkarm oo ka Tirsan Daanta Galbeed.

2
0

Ciidamada Yahuudda ayaa xoog ku gal ku sameeyay magaalooyinka Nablus iyo Tulkaram oo kawada tirsan Daanta Galbeed ee la haysto, waxayna halkaas ku dhaawaceen tiro Falastiiniyiin ah.

Dhalinyaro Falastiiniyiin ah ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii ku dhaawacmay rasaas ay ciidamada Yahuuddu ku fureen meel u dhow magaalada Nablus, halka ciidamada Yahuuddu  ay xoog ku galeen magaalada Tulkarm oo ku taalla waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto.

Hay’ada Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in nin dhallinyaro ah oo 31 sano jir ah uu ku dhaawacmay rasaas ay ciidamada Yahuuddu ku fureen dad shacab ah intii uu socday iska horimaad ka dhacay magaalada Sabasdiyah oo u dhow Nablus.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in ciidamada Yahuuddu ay xoog ku galeen magaalada oo ku taalla waqooyiga Nablus, waxayna ku garaaceen guryaha bambaanooyinka dhawaqa iyo sunta dadka ka ilmeysiisa, taas oo khasaare u gaysatay qaar kamida dadkii halkaas ku sugnaa.

Wakaalladda Wararka ee Falastiiniyiinta WAFA ayaa ku warantay in ciidamada Gumaysiga ay bambaanooyin dhawaqa ah ku garaaceen xaafadaha magaalada Tulkarm,  ciidamadan ayaa is hortaag ku sameeyay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka magaalada,  iyadoo aan la soo sheegin wax ku dhintay ama ku dhaawacmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here