Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa maanta sheegtay, in nidaamyada difaaca cirka ee Ruushka ay burburiyeen 46 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay Ukraine xalay kusoo weerartay dalkaas.
Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay maanta oo Sabti ah, in dab uu ka kacay kayd shidaal oo ku yaalla gobolka Tula, ee koonfurta Moscow, kadib markii ay Ukraine ku weerartay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Guddoomiyaha gobolka Dmitry Milaev ayaa bartiisa Telegram ku soo qoray in weerarka lagu qaaday xarunta uusan wax khasaare ah ka dhalan, isagoo xusay in 5 diyaaradood ay ku burbureen goobta.
Maamulka deegaanka ayaa sheegay in gobalka Tula, oo 160 kiiloomitir dhanka koonfureed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Moscow u duqeymo la kulmay saacado un kadib, markii weerar noocaan oo kale ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine uu ka dhacay gobolka Kaluga, ee koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda, kaas oo sidoo kale uu dab ka kacay goob lagu kaydiyo shidaalka.
Geesta kale, maamulka militariga maxalliga ah ee Ukraine ayaa sheegay, in weerar uu Ruushku ku qaaday magaalada Kyiv subaxnimadii Sabtida ay ku geeriyoodeen 4 qof.
“Nasiib darro, 4 qof ayaa lagu dilay degmada Shevchenkivsky, 3 waa la dhaawacay,” madaxa maamulka militariga ee Kyiv ayaa kusoo qoray bartiisa Telegram. Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa mar sii horeysay tilmaamay, in ay jirto cabsi laga qabo gantaallo balaastiga ah oo ku soo wajahan magaaladaas.