Ciidamada Yahuudda ayaa subaxnimadii hore ee saakay xoog ku galay magaalooyin badan oo ka tirsan Daanta Galbeed, waxayna aad u adkeeyeen ammaankooda, iyadoo ay kordheen kontaroolada ay ciidamadu ku leeyihiin dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.
Ilo wareedyo ayaa shabakada Aljazeera u sheegay, in ciidamada guumeysiga ay xoog ku galeen magaalada Nablus ee dhacda waqooyiga Daanta galbeed. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay, in ciidamada gumeysiga ay kaga sugan yihiin magaalada xaafadaha kala ah: Xayu Al-Taawun, Daaru Caqaba, Waddada Al-Nasr, Masjidka Jaamica ee Suuqa Sharfi, Xaafadda Al-xabla, iyo Xaafadda Sheekh Muslim.
Dhanka kale, Guutadda Al-Qudus qaybteeda Nablus, ee taabacsan Dhaqdhaqaaqa Jihaadka Islaami ayaa sheegtay, in dagaalyahannadooda ay iska caabinayaan ciidamada soo duulay ee ku sugan furimaha dagaalka.
Waxay intaa ku dareen, – bayaan ay soo dhigeen barta Telegram – in dagaalyahannadooda, ay rasaas oodda uga qaadeen ciidamada cadowga iyo gaadiidkooda dagaalka ee ku sugnaa magaalada.
Ciidamada guumaysiga Sahaayinada ayaa sidoo kale xoog ku galay magaalada Tamoun ee dhacda koonfurta magaalada Tubaas. Ilo wareedyo Falastiini ah ayaa ku waramaya in ciidamada gumaysigu ay xoog ku galeen Shufa, Kafr al-Labad, Canabta, iyo Balca, oo Bariga ka xigta gobolka Tulkam, ee Waqooyiga dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.
Sidoo kale ciidamada gumeysiga ayaa xoog ku galay tuulada Dhanaba iyo nawaaxigeeda ee xerada Tulkarm. Guutada Al-Qudus ayaa hadal kooban oo ay soo saartay ku sheegtay, in dagaalyahannadooda ku sugan Tulkarm ay iska hor-imaadyo la galeen ciidamada Yahuudda ee ku sugan halkaas.
Ciidamada Yahuudda ayaa xoojiyay xad-gudubyada ay ka geysanayaan Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo dagaalyahannada muqaawadana ay kala hortagayaan iska caabin xooggan.