Dhaqdhaqaaqayaasha Suudaan ayaa xaqiijiyay, in shalay oo Sabti ahayda 20 qof lagu dilay, halka tobanaan kalena lagu dhaawacay, kadib labo weerar oo lagu qaaday labo magaalo oo ka kala tirsan gobolka Niilka cad ee Koonfurta dalka Suudaan iyo gobolka Al-jazeera ee bartamaha dalkaas.
Bayaan ay soo saartay hay’ad rayid ah oo ay ku jiraan mutadawiciin firfircoon oo ka qaybqaata gurmadka dhibanayaasha dagaalka, ayaa lagu sheegay in “Ciidamada Taageerada Degdegga ah ay xasuuq ka geysteen tuulada Al-Qatina Al-Gharbiya, oo dhacda Gobolka Niilka cad, iyagoo rasaas aan loo meel dayaynin ku furay dadkii ku nolaa tuulada.”
Wararka waxay intaa ku darayaan, in weerarkaas uu sababay dhimashada 12 ruux iyo dhaawaca tobaneeyo kale oo ay ku jiraan kuwa uu dhaawacoodu halis yahay. Ciidamada Taageerada Degdegga ah ayaa gacanta ku haya qeybaha Waqooyi ee Gobolka Niilka cad, kaasoo dhanka Koonfureed kaga beegan Gobolka Khartoum.
Docda kale, “Mu’tamaru Al-jazeera” oo ah hay’ad rayid ah oo ay ku jiraan dad iskaa wax u qabso ah oo ku hawlanaa gurmadka loo fidinayo dhibanayaasha dagaalka, ayaa shaaca ka qaaday, in 6 qof ay ku dhinteen, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay maleeshiyaadka Taageerada degdega ah ku qaadeen magaalada Abu Ushaar ee dhacda Waqooyiga Gobolka Jaziira.
Hay’adda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “Ciidamada Taageerada Degdegga ah ay weerar ku qaadeen magaalada Abu Ushaar, iyagoo xoog ku galay xaafadaha magaalada, halkaas oo ay ku dileen 6 qof, dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen”.
Horaantii bishaan ayay ahayd markii ay ciidamada Suudan ku dhawaaqeen, inay dib ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Wad Madani ee xarunta gobolka Al-Jaziira, kadib muddo sanad ah oo ay ka maqnayd gacanta ciidamada. Waxayna sidoo kale dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Tamboul iyo inta badan qaybo ka mid ah Bariga gobolka Jaziira.