DEG-DEG: Basaskii siday Maxaabiista Falastiiniyiinta oo soo Gaaray Daanta Galbeed.

34
0

Ilo wareedyo ka tirsan Aljazeera ayaa sheegay, in basaska ay la socdeen maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee laga soo daayay xabsiyada Sahaayinada ay soo gaareen magaalada Beytunia oo dhacda Galbeedka Ramallah. iyadoo hay’adda Xabsiyada ee Yahuudda ay ku dhawaaqday in 90 maxbuus oo Falastiiniyiin ah la sii daayay.

Boqolaal Falastiiniyiin ah oo ku nool magaalada Beytunia ee ku taalla bartamaha dhulka la heysto ee Daanta Galbeed ayaa u dabaaldegay sii deynta tobonaan maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Yahuudda, taasoo qeyb ka ah wajigii koowaad ee heshiiska is dhaafsiga maxaabiista ee ay soo gabagabeeyeen Xamaas iyo Yahuudda.

Xarakada Xamaas ayaa shalay sii daysay saddex dumar ah oo Yahuud ah, waana maalintii ugu horreysay ee xabbad-joojinta marinka Gaza, iyadoo la fulinayo heshiiska dhigaya in Yahuudda ay sii deyso 90 maxbuus.

Liiska magacyada maxaabiista Falastiiniyiinta oo ay heshay Aljazeera, ayaa waxaa ku jira 69 haween ah iyo 21 carruur ah, oo ay ku jiraan 76 maxbuus oo laga keenay Daanta Galbeed iyo 14 ka mid ah maxaabiista laga keenay bariga Quddus.

Sida ku cad liiska magacyada, dhammaan maxaabiista dumarka ah ee la sii deynayo waxay ka soo jeedaan Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus. Liiska waxaa sidoo kale ku jira magacyada haween saxafiyiin ah iyo kuwa firfircoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here