Maxaabiis laga soo Daayay Xabsida Yahuudda oo la hadlay Warbaahinta Aljazeera, iyagoo ka warbixiyay Dhibaatooyinka ka jira Xibsiyadaas.

31
0

Maxaabiis la sii daayay ayaa la hadlay Aljazeera wax yar kadib markii ay soo galeen guryahoodii habeenimadii xalay, iyadoo la fulinayo wajigii koowaad ee heshiiska is dhaafsiga maxaabiista ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Dadkii la hadlay Aljazeera ayaa diiradda saaray xaaladihii adkaa ee ay kala kulmeen xabsiyada ay Sahaayinada arxanka daran gacanta ku hayso.

Maxbuus la sii daayay oo lagu magacaabo Adam Hadra ayaa Aljazeera u sharaxay, in gumeystaha Yahuudda ay ka qabteen gurigiisa, isagoo xusay in xabsiga uu ku jiray uu ahaa mid adag.

Hadra waxa uu dib u eegis ku samaysay dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin tacadiyaadka lagula kaco maxaabiista ku xiran xabsiyada ay gacanta ku hayaan Yahuudda, kuwaas oo ay ugu weyn tahay dayaca caafimaad iyo dawo la’aan, waxuuna ku nuuxnuuxsaday, in dadkaas xitaa ay ku jiraan kuwa waayeella ah oo aan xamili karin xabsiga.

Dhankeeda, maxbuusad  la sii daayay, oo lagu magacaabo Samah Hijawi, ayaa Aljazeera u sheegtay, in la xiray markii labaad, iyadoo la kulantay nooc kasta oo jirdil iyo cadaadis ah. Samah waxa kale oo ay ka hadashay duruufo adag oo ay la kulmeen dumar badan oo maxaabiis ah, gaar ahaan xanuuno iyo daryeel la’aan caafimaad.

Geesta kale maxbuusad la sii daayay oo lagu magacaabo Shaima Cumar Ramadaan, waxa ay isla Aljazeera u sheegtay, in 6 bilood ay ku jirtay xabsiyada Sahaayinada. Iyadoo shaaca ka qaaday in aysan ogeen in ay ku jirtay liiska dufcaddii ugu horeysay ee maxaabiista la sii daayay illaa saacado ka hor inta aan la sii deyn mooyaane.

Boqolaal Falastiiniyiin ah oo ku nool magaalada Beytunia ee ku taalla bartamaha dhulka la heysto ee Daanta Galbeed ayaa u dabaaldegay sii deynta tobonaan maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Yahuudda, taasoo qeyb ka ah wajigii koowaad ee heshiiska is dhaafsiga maxaabiista ee ay soo gabagabeeyeen Xamaas iyo Yahuudda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here