Trump oo ku Goodiyay inuu Baabi’in Doono 80 Amar oo uu soo Saaray Maamulkii ka Horeeyay.

30
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markii uu xilka la wareegay Isniintii shalay tagay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka si uu u billaabo muddo xileedkiisa labaad ee madaxtinimada Mareykanka, isagoo ku nuux-nuux saday inuu baabi’in doono illaa 80 amar oo uu soo saaray maamulkii hore ee Joe Biden, isla markaana uu si deg deg ah u dhaqan gelin doono xannibaadda ku aaddan shuruucda dowladda iyo shaqaaleysiinta.

Trump ayaa mar uu la hadlayay dad isugu soo baxay Washington caleemo-saarkiisa kadib waxa uu yiri “Waxaan baabi’in doonaa ku dhawaad ​​80 amar oo burburin iyo xagjirnimo ah oo ay sameeyeen maamulkii hore”.

Waxa uu intaas ku daray, Waxaan hirgelin doonaa xannibaad degdeg ah oo ku saabsan xeerarka, taas oo ka ilaalin doonta xafiisyada Joe Biden inay sii wadaan soo saarista xeerar cusub.

Trump ayaa goor sii horeysay oo isniintii ahayd ku dhawaaqay, abuuritaanka koox lataliye ah oo looga golleeyahay in lagu dhaqan geliyo dhimis ballaaran oo lagu sameeyay shaqaalaha dowladda, taasoo keentay in qaarkood ay gudbiyaan dacwooyin ay kaga hortagayaan tallaabadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here