Imaarada Islaamiga Ah Ee Afgaanistan Oo Ku Dhawaaqday In Xoriyadiisa Uu Dib U Helay Khan Maxamed Taasoo Qeyb Ka Ah Heshiis Maxaabiis Isdhaafsi Ah Oo Lala Galay Mareykanka.

41
0

Hafid Diyaa Axmed, oo ah ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee imaarada islaamiga ah ee Afgaanistan, ayaa sheegay in mujaahid Khan Maxamad uu soo gaaray Afgaanistan Talaadadii, ka dib markii laga soo daayay xabsiyada Mareykanka, taasoo qeyb ka ah heshiis maxaabiis isdhaafsi ah oo dhex maray Mareykanka iyo Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistan, kaasoo lagu sii daayay labo qof oo Mareykan ah.

Imaarada islaamiga ah ee Afgaanistan ayaa sii daysay Ryan Corbett iyo William Wallace McEntee, halka dowlada Mareykanka beddelkeeda ay sii daysay mujaahid Khan Maxamad, oo laga sii daayay xabsiyada Mareykanka.

Waxaa xusid mudan in Khan Maxamad oo (55 jir) uu maxbuus ku ahaa California, kadib markii la xukumay sanadkii 2008.

Khan ayaa kamid ahaa dagaal yahanada halganka hubaysan kula jiray isbahaysiga NATO ee duullaanka saliibiga ah ku qaaday dalka Afgaanistan sanadkii 2001, waxaana laga qabtay gobolka Nangarhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here