Herzi Halevy oo ah taliyaha ciidamada gumeystaha Yahuuda ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilayo xilkiisa, waxaana maalmahan socday is casilaado is daba joog ah oo ay sameynayaan qaar kamid ah madaxda gumeystaha kuwaas oo ka xun guuldarroyinkii ay kala kulmeen weeraradii Oktoobar 7, 2023.
Iscasilaada Herzi Halevy ayaa si buuxda u dhaqan gali doonta 6-da bisha Maarso 2025.
Warqada iscasilaadiisa, Halevy waxa uu ku yiri: “Ciidanka Israa’iil waxa ay ku guuldaraysteen hawshii ay hayeen oo ahayd in ay difaacaan Israa’iil, dawladduna waxa soo gaaray khasaaro aad u culus.”
Taliyaha guud ee ciidamada gumeystaha Yahuuda oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri: “Waxa na soo gaadhay khasaare ba’an, dagaalkuna waxa uu dhaawac iyo nabaro ay ka soo gaareen qaar badan oo ka mid ah askartayada iyo qoysaskooda.