Xoghayaha cusub ee arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Arbacadii xaqiijiyay, in dalkiisu uu taageero joogto ah lagarab istaagi doona Yahuudda, waxa uuna hadalkaas ka sheegay mar uu khadka taleefoonka kula xiriiray Ra’iisal Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu laba maalmood kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu xilka la wareegay.
Af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Tammy Bruce ayaa sheegtay, in Rubio uu la hadlay Netanyahu, si uu ugu cadeeyo in joogteynta taageerada hagar la’aanta ah ee Maraykanku uu siinayo Yahuudda ay tahay mudnaanta koowaad ee madaxweyne Trump.
Waxay intaas ku dartay haweenaydaan, in Rubio uu u ballan-qaaday ra’iisul wasaaraha Yahuudda in si hagar la’aan ah uga shaqeyn doono sidii uu gacan uga geysan lahaa soo deynta dhammaan la haystayaasha ku harsan marinka Gaza.
Waxay sidoo kale xustay, in wasiirku uu sidoo kale muujiyay rabitaankiisa ah in uu wax ka qabto khataraha Iran iyo sidii Yahuudda ay nabad u heli lahayd.
Waxaa xusid mudan, in Xamaas iyo Yahuudda ay Axaddii billaabeen dhaqan-gelinta xabbad-joojin, taasoo ay ku jirto in ay is-dhaafsadaan maxaabiis, kadib markii ay gaareen heshiis lagu joojinayo gardarrada joogtada ah ee ay Yahuuddu ka waday Marinka Gaza muddo 15 bilood ah.
Marco Rubio oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa caan ku ah taageerada xooggan ee uu u hayo Yahuudda iyo cadaawadda uu u qabo Falastiiniyiinta oo uu marar badan ku tilmaamay “argagixiso iyo gacan ku dhiiglayaal”.