Dagaalo Lagu Jabiyay Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya Oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan.

46
0

Ciidamada xarakada mujahidiinta Alshabaab ee ka howlgalla gobolka Hiiraan ayaa maanta howgal milliteri ka fuliyay gobolkaas.

Dagaal culus oo u dhexeeya milliteriga Alshabab iyo kuwa dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay duleedka deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dagaalkaas uu dhaliyay khasaaro soo gaaray ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya.

 Ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada dowlada federaalka ayaa lagu dhaawacay dagaalka.

Sidoo kale ciidamada Alshabaab waxay dagaalka ku qabsadeen qori nuuciisu yahay RPG iyo rasaastiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here