Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la joojiyo dagaalka ka socda dalka Ukraine, wuxuuna muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay in uu si deg deg ah ula kulmo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isagoona carabka ku adkeeyay in Kiev ay diyaar u tahay wada xaajood.
Trump waxa uu carabka ku adkeeyay – intii uu ka qayb galayay shirka dhaqaalaha ee Davos oo uu khudbad ka jeediyay Aqalka Cad – in uu doonayo in uu sida ugu dhakhsaha badan ula kulmo dhiggiisa Ruushka oo uu joojiyo dagaalka uu kula jiro Ukraine.
Trump ayaa intaa ku daray in madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu u sheegay in uu diyaar u yahay in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka. Wuxuuna u sheegay ka qaybgalayaasha shirka Davos in dadaallada Mareykanka ee lagu raadinayo xalka nabadeed ay wali socdaan, balse ma uusan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan dadaaladaas.
Ruushku wuxuu ugu baaqay maamulka Trump inuu saxo khaladaadkii uu sameeyay madaxweynihii isaga ka horeyay ee Joe Biden, kaas oo taageero wayn u muujiyay dalka Ukraine.
Dhiniciisa, afhayeenka madaxtooyada Ruushka Dmitry Peskov ayaa sheegay, in Moscow ay diyaar u tahay wadahadal ay la yeelato Maraykanka oo ku saabsan dagaalka ka socda gobalka, kaas oo lafilayo inay labada dhinac heshiis ka garaan. Arrintan ayaa timid mar uu shir jaraa’id ku qabtay Peskov Khamiistii shalay magaalada caasimadda ah ee Moscow.
Horraantii toddobaadkan, Trump ayaa ku hanjabay in uu cunaqabatayn heer sare ah ku soo rogi doono dalka Ruushka, hadii uu joojin waayo dagaalka uu kusoo qaaday dalka Ukraine.