Ciidamadii Yahuudda ayaa si weyn u adkeeyay go’doomintii ay ku hayaan xerada Jenin, waxaana saaka ay dad shacab ah ku qasbeen in ay ka qaxaan xerada. ilo wareedyo ayaa warbaahinta u sheegay subaxnimadii jimcaha, in ciidamada gumeysiga qaraxyo lagula eegtay wadada Nazareth ee magaalada Jenin.
Ilo-wareedyo ku sugan gudaha xerada ayaa sidoo kale xaqiijiyay, in ciidamada Sahaayinada ay xireen tobonaan dhallinyaro ah, kuwaasoo aan la ogeyn halka ay ku danbeeyeen.
Dhanka kale, madaxa guud ee ciidamada Yahuudda, Herzi Halevi, ayaa shaaca ka qaaday, in ciidamadoodu ay diyaar u yihiin inay hawlgallo xiriir ah ka bilaabaan xerada qaxootiga ee Jenin.
Guddoomiye ku xigeenka Jenin, wuxuu ka digay mar uu waraysi siinayay wakaaladda Anadolu, qorshe weyn oo ay Yahuuddu ka damacsan tahay xerada iyadoo rabta inay burburiso dhismayaasha iyo guryaha ku hareeraysan xerada Jenin.
Ciidamada Yahuudda ayaa shalay oo Khamiis ahayd waxa ay gubeen guryaha Falastiiniyiinta ee ku hareeraysan xerada Jenin, halka guryo kalana ay ka dhigeen xeryo ciidan, intii uu socday duulaanka gardarada ah ee ka dhanka ah shacabka. Guddoomiyaha Jenin Kamaal Abu al-Rab ayaana sheegay, in gumaystaha ay ku khasabtay Falastiiniyiinta inay ka baxaan guryahooda kaddib markii ay uga hanjabeen inay duqeynayaan.