Yahuudda oo Amar ku Bixisay in Hay’adda UNRWA oo Hoostagta Qaramada Midobay ay ka Baxdo Magaalada Qudus.

28
0

Safiirka Yahuudda u fadhiya Qaramada Midoobay ninka lagu magacaabo Danny Danon, ayaa ugu baaqay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka iyo arrimaha qaxootiga ee UNRWA, inay joojiso dhaqdhaqaaqyada ay ka waddo magaalada Qudus, isla markaana ay banayso dhammaan dhismayaasha ay ku jirto dhammaadka bishan.

“Iyada oo la raacayo sharciga Israa’iil ee khuseeya UNRWA, waa in ay joojisaa hawlaha ay ka waddo Qudus oo ay banayso dhammaan dhismayaasha ay ka dagan tahay magaalada ugu dambayn 30-ka January,” ayuu ku yiri Danon warqad uu u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres shalay Jimcihii.

Warqadda ayaa tixraacaysa sharci kale oo uu ansixiyay baarlamaanka Yahuudda bishii Oktoobar, kaas oo mamnuucaya hawlaha hay’addaha Qaramada Midoobay in ay ka shaqeeyaan dhulka Falastiiniyiinta oo ay ku jirto Bariga Quddus, wuxuuna ka mamnuucayaa masuuliyiinta Sahaayinadu inay la shaqeeyaan hay’adda UNRWA iyo shaqaalaheeda, taasoo keentay walaac ku saabsan mustaqbalka hawlaha Hay’adda ee marinka Gaza.

Maalmo ka hor, Guddoomiyaha Hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini oo ku sugan magaalada Oslo ayaa xaqiijiyay in hay’addu ay sii wadi doonto kaalmada ay siiso dadka deggan dhulka Falastiiniyiinta.

“Waan joogi doonnaa, waana fulin doonnaa howsheenna,” Lazzarini ayaa yiri intii lagu guda jiray shir caalami ah oo looga hadlayay arimaha Bariga Dhexe. “Shaqaalaha maxalliga ah ee UNRWA way sii jiri doonaan waxayna sii wadi doonaan bixinta gargaarka degdegga ah iyo haddii ay suurtagal tahay waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka aasaasiga ah,” ayuu raaciyay Lazzarini.

Tan iyo wixii kadambaysay 19-kii bishan Janaayo, maamulka Yahuudda ayaa isku dayaya inuu xooga saaro dhulka daanta galbeed, kaddib markii uu kusoo jabay dagaalkii uu ka galay marinka Qaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here