Aqalka Senate-da Mareykanka ayaa xalay ansixiyay magacaabista Pete Hegseth, oo ah ninka uu Donald Trump u magacaabay xoghayaha gaashaandhigga, inkastoo ay ka soo horjeesteen ansixintaas xisbiga Dimoqraadiga iyo saddex xubnood oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Senate-ka.
Magacaabista ninkan lagu magacaabo Hegseth ayaa la xaqiijiyay, kaddib markii ay codayntii laga qaaday aqalka Senetra-du ay noqotay 50-50, taas oo ahayd natiijo barbar dhac ah, balse madaxweyne ku xigeenka J.D. Vance ayaa u cedeeyay in ninkan loo doorto xoghayaha Gaashaandhiga dalka, taas oo natiijadii cod bixintu ay raacday Hegseth.
Saddexda senetar ee kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ee iska diiday inay doortaan ayaa kala ahaa; Mitch McConnell oo ka socda stateka Kentucky, Lisa Murkowski oo kasocda stateka Alaska iyo Susan Collins oo isna ka socda stateka Maine, dhamaan sadex senetar ayaa la saftay xisbiga dimuqraadiga, ayagoo kasoo hor jeestay xisbigii ay ka tirsanaayeen.
Ninkan oo ah 44 sano jir, horena u ahaan jiray Gaashaanle Ciidan, ayaa magacaabistiisii kaddib waxay mudahaardyo loogasoo hor jeedo ka dhalisay dalka Maraykanka, isagoo lagu eedaynayo waayo aragnimadiisa oo hoosaysa awgeed, sidoo kale mucaaradadiisa waxaa xoojiyay hadallo muran dhaliyay oo uu sheegay, sida inuu ka mamnuuci doono dumarka Joogitaanka goobaha dagaalka.